Qaar ka mid ah Musharixiinta Mucaaradka Oo Ku wajahan Garoowe

Magaalada Garoowe ee Xarunta DG Puntland waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay gaaraan qaar kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 si ay kulamo ula yeeshaan Siciid Deni & ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Xubnaha Musharixiinta ee maanta tagaya Garoowe waxa ay Madaxweyne Deni kala Garramayaan welwelka ay ka qabaan Khilaafka Doorashada, gaar ahaan Diidmada Musharixiinta & Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale waxa ay iska xog-wareysanayaan sida laga yeelayo doorashada uu ku dhaqaaqayo qabashadeeda Guddiga kala dhiman oo Jadwal cusub u dejiyay, maalmaha soo socdana lagu bilaabayo doorashada Aqalka sare.

Musharixiinta & Madaxda DG Puntland ayaa dejinaya qorshe siyaasadeed ay ku wajahayaan xaaladda is jiid-jiidka ah ee ku gedaaman Doorashada 20/21 sida Hiiraanweyn ay kasoo xigatay ilo kala duwan.

Kulanka hordhaca ah haddii uu meel wanaagsan gaaro waxaa ku biiraya Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) & xubnaha kale ee Musharixiinta ah si qorshe cusub loo dejiyo.

Bartamihii December 2020 waxaa guul-darro ku dhammaaday kulamo saacado kala duwan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo dhinac ah, Madaxweyne Deni & ku xigeenkiisa Karaash oo dhanka kale ah.