Dowladaha Turkiga iyo UK oo shaaciyey in ay kala saxiixdeen heshiiska ganacsiga xorta ah

Dowladaha Turkiga iyo UK ayaa shaaciyey in ay kala saxiixdeen heshiiska ganacsiga xorta ah iyada oo London u diyaar garoobeyso in ay dhamaadka bishan si rasmi ah uga baxdo Midowga Yurub.

Heshiiskan oo dhaqan geli doona 1-da bisha Janaayo 2021 ayaa kor u qaadi doona ganacsiga labada dhinac ka dhexeeya oo sannadkii 2019-kii ka badnaa $25 billion oo dollar.

Heshiiska labada dal ayaa yimid maalmo un kadib markii UK iyo Midowga Yurub ay heshiis buuxa ka gaareen inay kala furtaan kadib wada-hadallo socday sanado.