Dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyeyaashii ka howl galayay Isbitaalka Gaarisa oo saakay shaqo joojin ku dhaqaaqay.

 

Jimco 1 Jannaayo 2021

Dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyeyaashii ka howl galayay Isbitaalka ugu weyn magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya ayaa saakay shaqo joojin ku dhaqaaqay.

Dhaqaatiirtan ayaa ku biiray shaqo joojin guud oo ay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka ay todobaadkan ka wadeen dalka Kenya.

Sidoo kale  Dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyeyaashii ka howl galayay Isbitaalada kenya ayaa dalbanayay qalab ay isaga difaacaan xanuunka Covid-19 iyo ceymis.