Duqaymo alshabaab lagula eegtay deegaanada ka tirsan gobolka Bakool

Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay dowr deegaan duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ahaa kuwo isdaba joog ah.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool, sida uu shaaciyey maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Duqeymahaas ayaa la sheegay in lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, in kastoo aan weli lasoo bandhigin tiro rasmi ah oo lagu dilay duqeymahaas, waxayna Koonfur Galbeed sheegtay inay bilaawdeen dadaalo maamulkaas iyo la howlgalayaasha Soomaaliya ay Al-Shabaab uga sifeynayaan gobolka Bakool oo go’doon ugu jira Al-Shabaab.