Xoghayaha Caafimaadka ee Britain oo sheegay in uu is dhimay fiditaanka xanuunka Covid19 ee dadka la talaalay.

February 22, 2021

 Xoghayaha Caafimaadka ee Britain Matt Hancock ayaa sheegay in warbixino kasoo baxay wasaarada caafimaadka ay tilmaamayaan in uu is dhimay fiditaanka xanuunka Covid19 ee dadka la talaalay.

Hancock ayaa sheegay in dadka cusbitaalada u galaya xanuunkaas ay siddoo kale aad u yaraadeen marka loo eego bilowgii markii uu xanuunku dilaacay.

Sidoo kale  Dowlada Britain ayaa dooneysa in dhamaan dadka qaan gaadhka ah la talaalo ugu danbeyn bisha Julay ee sannadkan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya