Xasan Cali kheyre oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay banaanbixii Bari oo Jimco ahaa..

February  25, /2/ 2021

Raisal wasaarihii hore ee Somaliya Xasan cali kheyre kana mid ah Musharixiinta Mucaaradka ayaa goor dhawayd Markii uu soo  idlaaday shirkii u socday Musharixiinta iyo Rooble ku dhawaaqay in uu baaqday Banaanbixii Bari lagu balansanaa.

Kheyre oo la hadlayay taagerayaashiisa ayaa u sheegay in meel aan banaanbax lagu qaban Karin aan doorasho xor ah oo xalaal ah lagu qaban Karin.

“ Hadii banaanbax lagu dhigi waayo dalkaan, uma malaynaayo in Doorasho ay ka dhici karta waxaa lagu tumanaa dastuurkii, waxaan soo bixo doonaa anaga oo kumanaan ah, Marka dalkan in doorasho ay ka dhacdo waa xaq qof looga Ganbanaayana ma jirto”ayuu yiri kheyre oo la hadlayay taageerayaashiisa.

Sidoo kale hadalka kheyre ayaa ku soo aadaya Xili uusan galabta ka qeyb galin shirkii ka dhacay Hotel Decale ee agagaarka garoonka Muqdisho ay iskugu yimaadeen Musharixiinta iyo Xukuumada uu Hogaamiyo Rooble.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya