Wadada KM4 oo goor dhawayd lagu kala cararay kadib markii gaari looga shakiyay Qarax Halkaas lagu arkay..

February  27 /2/ 2021

Waxaa goor dhawayd Orod iyo Fakatax ka dhacday Wadada aada garoonka Muqdisho ee marta Km4 kadib Markii lagu arkay gaari looga shakiyay waxyaabaha Qarxa.

Gaarigaan oo ahaa Nuuca raaxada ah ayaa waxaa uu yaalaa goob aan ka fogayn afaafka hore ee u dhaxaysa isgoyska Km4 iyo Hotel afrik.

Waxaa goobta soo gaaray Ciidamada amaanka oo xiray isku socoda dadka iyo gaadiidka, waxaana goobta laga qaaday dadkii ku sugnaa halkaas.

Kala Soco Bogan Wixii ku soo kordha gaarigasi

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya