Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo fariin u dirtay Bulshada Gobolka Mudug Xanuunka safmareenka Covid 19

.

Febarayo   28 /2/ 2021

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa fariin u dirtay Bulshada Gobolka Mudug taasoo la xariirta saamaynta safmareenka Covid 19

Cabdikariin Abshir Ciise Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Degmada Gaalkacyo oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug inay qaataan fariimaha waacyi-gelinta ah ee la xariira cudurka Covid 19

Iskuduwaha ayaa tilmaamay in uu soo labo kacleeyay safmareenka Covid 19 taasina ay tahay in Bulshadu ogaadaan saamaynta cudurkaan

Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay inay wasaaradu wado qorshayaal lagu xoojinayo waacyo galinta Bulshada oo ku aadan saamaynta Covid 19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya