Wasiirka gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka dawladda federaalka oo Qeylo dhaan ka soo saartay abaarta ka jirto Gobolka Gedo

2da Maarso, 2021

Xili maalmo ka hor abaaro xoogan  laga  soo sheegayay Gobolka Gedo, oo maamulka Jubbland uu soo saaray fariin ku aadan in gargaar lala soo gaaro, ayaa arintaas waxaa Markii ugu horaysay ka hadashay Dowlada Somaliya.

Wasiirka gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dawladda federaalka, Khadiija Maxamed Diiriye oo la hadlaysay BBC-da ayaa sheegtay in Gedo ay ka jiraan abaaro Xoogan.

“ Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha caalamiga iyo kuwa Gudaha in ay gargaar Deg deg ah la gaaraan Gobolka Gedo”ayay tiri Wasiirka gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee dawladda federaalka, Khadiija Maxamed Diiriye.

Sidoo kale Dawladda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadashay, xaaladda abaareed ee maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayey guud ahaan gobollada dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya