Puntland oo 6 Maalin u qabatay Shaqaalo ka tirsan QM

  • Muqdisho, 6da Maarso, 2021:-Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee  Puntland ayaa muddo lix cisho ah u qabtay 14 qof oo u shaqeeya Qaramada Midoobey, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay iska bixin waayeen cashuurtii ku waajibtay.
  • Xeer-ilaaliye kuxigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in hadii mudadaas loo qabtay  cashuurta ku bixin waayaan shaqaalahaasi ay ka joojin doonaan in ay ka shaqeeyaan Puntland, xabsina dhigi doonaan.
  • Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 14 galdacwadeed laga soo gudbiyay Shaqaalaha Qaramada Midoobay taas oo ku aadan in ay diideen inay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.
  • Magacyada Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee mudada 6 Cishada ah loo qabtay ayaa waxaa uu Xeer ilaaliye kuxigeenka Punland ku kala sheegay.
  • 1: Saciid Cali Cabdullaahi oo u shaqeeya Hay’adda UNDP
  • 2: Maxamed Cali Faarax oo u Shaqeeya UNDP
  • 3:  Xaawo Cumar Maxamuud oo u Shaqeeysa  UNDP
  • 4: Cabdixakiin Cabdullaahi Nuux u Shaqeeya WFP.
  • 5: Saciid Abshir Yuusuf  oo u Shaqeysa  FAO.
  • 6: Cabdullaahi Warsame Maxamed oo u Shaqeeysa  RCO
  • 7: Maxamed kuluc Faarax  oo u Shaqeeya Hay’adda WHO
  • 8:  Cabdixakiin Barre Nuur oo u Shaqeeya  WHO
  • 9: Cabdinuur Cismaan Maxamed oo u Shaqeeya  WHO.
  • 10: Cabduqaadir Saciid Cabdiraxmaan oo u Shaqeeya WHO.
  • 11: Axmed Maxamed Nuux oo u Shaqeeya WHO.
  • 12: Cismaan Cabdinuur Cumar oo u Shaqeeya  WFP.
  • 13: Maxamed Xasan Cusmaan oo u Shaqeeya Hay’adda FAO.
  • 14: Samiiro Xasan Cismaan oo u Shaqeeysa UNFPA

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________