Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle oo lagu magacaabay seddax wasiir oo cusub.
Muqdisho /Qol/ March 9, 2021
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta lagu magacaabay seddax wasiir oo cusub.
Hoos ka akhriso wareegtada
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa Maanta Magacaabay seddex Wasiir oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiiradda Kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.
Wasiirada la Magacaabay ayaa kala ah:
- Maxamed Cumar Ceymoy Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.
- Xil. Saalax Maxamed Xasan Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Tamarta.
3.Xil. Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.
-DHAMMAAD-

Xafiiska Wararka Qaranimo Online
Office Nairobi Kenya
