Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Boonow oo ku Geeriyooday magaalada baydhabo .

,

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Wararka ka imanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in -Allaha u naxariistee uu halkaas  ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonow oo ka tirsanaa golaha Shacabka.


Xildhibaanka Maxamed ayaa sidoo kale soo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, xilligii uu Ra’iisul wasaaraha ahaa Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo sanafkii 2012-kii waxaa uu wasiir ka soo noqday dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Marxuum Maxamed Boonow ka sokow inuu ahaa masuul mudo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu ahaa ganacsade caan ka ahaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya