Gaari ay ku xirnaayeen Makarafoono dadka looga wacyi-geliyayay Covid-19 oo Qarax lala eegtay..

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada kaaraan.

Qaraxan  oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu  dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxan ayaa la sheegay in bartilmaameedkiisu uu ahaa gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Makarafoono loogu tala-galay in dadka looga wacyi-geliyo  Xanuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Wararka ka imaanaya halkaas ayaa sheegaya in qaraxan uu ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen askar iyo dad kale oo la socday baabuurkaasi.

Sidoo kale Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow Garoonka kubadda cagta ee Qoob-Dooro ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya