Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Puntland HADMA oo dalbatay Gurmed deg deg ah

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021

 

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa dirtay baaq ku saabsan in gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee ku nool gobollada maamul-goboleedkaasi.

Hay’adda ayaa sheegtay in in ka badan boqol kun oo qoys ay saameysay abaarta.

Guddoomiyaha hay’addaas Cabdullaahi Axmed Cayrow ayaa BBC u sheegay in boqolkiiba 43 shacabka ku nool ay u baahan yihiin gargaar maadama ay aabaaraha saameeyeen dadka iyo duunyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya