Farmaajo iyo Rooble oo Mar kale Tacsi diray kadib Geeridii Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday  ee dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse oo ku geeriyooday Muqdisho.

Farmaajo ayaa sheegay in Janaraal Axmed Jaamac uu ahaa halyey Soomaaliyeed oo wax badan dalka usoo qabtay, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rpooble ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Janaraal Axmed Jaamac, waxa uuna sheegay in Janaraal xasuusnaan doonaan waxqabadkiisa dalkana ugu soo adeegay si hagar la’aan ah.

Sidoo kale Janaraal Axmed Jaamac Muuse, oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ayaa horey usoo noqday taliyaha ciidanka booliiska, waxaana sargaalkan  uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho uu ku xanuunsanaa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya