Hay’adda Amnesty International oo ka codsatay maamulka Puntland in ay sii dayaan Wariye u Xiran maamulkaasi.

Muqdisho Qol  March 12  2021

Hay’adda  u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa baaq u dirtay maamulka Puntland ee uu Hogaamiyo siciid Deni, waxayna ugu baaqday in ay sii dayaan Wariye u Xiran maamulkaasi.

Hay’adda ayaa sheeggtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda xorriyadda ee Wariyeyaasha ka hawlgala deegaanada Puntland, waxayna  ugu baaqday masuulyiinta Maamulka Puntland inay siidaayaan Wariye Aadan Faarax Kilwe oo xabsi ku yaala Puntland ku xiran inka badan todobaatan maalmood.

Sidoo kale Hay’adda Amnestay ayaa sidoo kale madaxda Puntland ugu baaqday inay ilaaliyaan xorriyadda qowlka iyo in bahda warbaahinto ay si madax banaan u gutaan hawl maalmeedkooda..

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya