Wadooyinka Muqdisho intooda badan saakay xiran ka dib markii la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka

 

Muqdisho Qol  March 12  2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho saakay  ayaa sheegaya in Jidadka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho intooda badan ay xiranyihiin.

Ciidamada ayaa gaadiidka shacabka noocyadiisa kala duwan ka joojiyey jidadka inkastoo ay tahay maalin Jimce ah oo dhaqdhaqaaqu dadku kooban yahay.

Dadka ayaa intooda badan cagahooda maalaya maadaama aysan jirin gaadiidkii BL-ka iyo kuwii bajaajta ee magaalada u kala gooshi jiray.

about:blank Sdoo kale arintaan ayaa loo malaynayaa in ay salka ku hayso maadaama saakay magaalada Muqdisho Maydkiisa goor dhawayd la geeyay  Maydka Madaxweynihii hore ee Somaliya Cali Mahdi oo aas Qaran lo samaynayo saakay oo ku geeriyooday dalka Kenya habeen hore.

Guddigii qabanqaabada aaska ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay shaaciyay in maanta oo Jimce ah Meydka marxuumka  laga soo dajin doona Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya