Wasaarada Difaaca Somaliya oo mushaarkii ka jartay Ciidamada ilaaliya siyaasiinta mucaaradka ah

April: Hol 5/4/2021

Warar kala Duwan ayaa ka soo baxaya in wasaarada Difaaca Somaliya ay billowday in ay cadaadis saarto askarta ka diiwaan gashan islamarkaana ilaalada u ah Mucaaradka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Wadajir ee hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo taliska Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay  in mushaarka laga joojiyay ciidan ku dhow 70 askari.

Ciidanka lacagta laga joojiyay ayaa intooda ugu badan ilaalo u ah Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo badankood ay dhowaan ku biireen ilaaladiisa iyo Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaasad Indhacade, oo isna ku dhow mucaaradka.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey u lahaa ilaalo gaar ah, oo aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda Soomaaliya, oo gaaraya illaa iyo dhowr iyo toban, hase yeeshee kadib weerarkii dhacay 19-ii Febraayo ee lagu qaaday mucaaradka qaarkood, ayaa waxaa ku biiray ilaalo ku beel ah, oo qaarkood ka yimid dhanka Indha-Cadde oo ay sidoo kale isku jufo yihiin.

Office Nairobi