DEG DEG:-Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday Iyo Mid Cusub Loo magacaabay

Muqdisho, April 12, 2021–Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa  xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilka Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare, kaas oo ahaa taliyihii ciidanka Haramcad.

Xilka qaadista Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar ayaa waxaa ay timid kadib markii shir jaraa’id uu qabtay uu ku sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo uu sheegay in lagu doonayay muddo kororsi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________