Roobii Guga oo xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho saamayna ku yeeshay Barakacayaasha iyo Wadooyinka Muqdisho.

.

April 20-2021

Roobka Guga ayaa xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, iyadoona saameyn uu ku yeeshay dadka barakacayaasha iyo isku socodkii magaalada

Barakacayaasha ayaa guryahoodii ka sameysan cooshado, waxaana xalay u galay biyo aad u badan, iyadoo xalay oo dhan aanay seexan, mana jirin wax gurmad ah oo ay heleen.

Qaar ka mid ah barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in saameyn balaaran ay ku yeesheen Roobka, islamarkaana uu guryaha ugu soo galay Roobka

Sidoo kale, roobkan ayaa biyo dhigay waddooyin waaweyn oo magaalada Muqdisho, isaga oo saameeyey isku socodka magaalada.

.

OFFice Nairobi Kenya