Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO

April 22-2021

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik.

War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni uu qaabilay madaxa hay’adda Caafimaadka adduunka ee Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in kulan dhexmaray labada mas’uul looga hadlay xoojinta wadashaqeynta dowladda Puntland iyo hay’adda WHO iyo xakamaynta xanuunka COVID-19.

.

Office Nairobi Kenya