Dowladda UK oo taageertay go’aanka Golaha Midowga Afrika ku diiday mudda kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

April 23-2021

Dowladda Ingiriiska ayaa taageertay go’aanka Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ku cambaareeyay mudda kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Danjire Kate Foster ayaa Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka waxay ku taageertay go’aanka Midowga Afrika oo ay ku tilmaantay mid muhiim ah.

Sidoo kale, waxay soo dhowaysay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika u samaynayo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro xaaladda cakiran ee siyaasadeed, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka dalka.

.

Office Nairobi Kenya