Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Ganaraal Odawaa yuusuf Raage oo beeniyay in uu is casilayo.

April 26-2021

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Ganaraal Odawaa yuusuf Raage ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar 24 saac ee la soo dhaafay la sheegayay oo ku adan in uu is Casilayo.

Raage ayaa sheegay in aysan jirin xiligaan u jeedo uu isku casilo, waxa uuna ku tilmaamay arintaas waxba kama jiraan iyo been abuur.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Ganaraal Odawaa yuusuf Raage ayaa VOA u sheegay in aysan ka mid ahayn sharciga Ciidanka in uu is Casilo Taliye Ciidan Balse xilka laga qaadi karo oo kaliya

Office Nairobi Kenya