Raisal wasaare Rooble oo la kulmay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar

May 2-2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada  Multaq Alqahtani.

Wararka ayaa sheegaya in ay ka wada  hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Eragyayga ayaa shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxa uuna safarkii ugu horeeyay uu shalay ku tagay magaalada hargaysa, waxa uuna kula kulmay Madaxweynaha maamulkaas Muuse Biixi Cabdi.

Office Nairobi Kenya