Qoor qoor oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee dhusamareeb

 May 9 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowalad Goboleedka  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo uu gaaray halkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ugu soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Galmudug Mudane Cabdullahi Xirsi, qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Wasiirada galmudug, Maamulka Caasimadda iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii dhawaa ku sugnaa Muqdisho ayaa ka qeyb galay kulamo kala duwan oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoona  ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qeyb qaatay xalinta qalalaasihii ka dhacay Caasimadda.

Office Nairobi Kenya