Al-Shabaab oo baahisay in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga Xili Dalalka islaamka ay tahay Bari Soon

May 11, 2021

ururka Al-Shabaab oo ay shaaciyay Markii ugu horaysay  in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegay  in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay.

Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Al-Shabaab waxay qoraalkooda u sheegeen inay bisha ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, sida lagu sheegay qoraalka kooxda.

Sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayey sheegeen inay bisha ka arkeen laba qof, halka deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab.

Arintaan ayaa ku soo aadysa Xili Dalalka islaamka oo uu ugu horeeyo Dalka Sacuudiga oo laga arki jiray inta badan Bisha iyo Dowlada Somaliya ay shaaciyeen in ay bari tahay maalin Soon.

Office Nairobi Kenya