Mareykanka oo Israa’iil ka codsaday in sharraxaad weerarkii dhismaha ay deganaayeen Aljazeera iyo AP

May 17 2021

 

Mareykanka ayaa Israa’iil ka codsaday inay sharraxaad ka bixiso sababta ay dhawaan u duqeysay dhismo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP oo ku yaallay marinka Qaza.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay Israa’iil inay ilaaliso dadka rayidka ah iyo weriyeyaasha.

Militeriga Israa’il wuxuu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.

Office Nairobi Kenya