Dilkii Gudoomiye Degmada Hodon Dhega-juun oo Maxkamadda militeriga Xukun ka soo saartay.

 

May 18 2021

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyen dilka Allaah u naxariistee guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Ciise Dhega-juun.

Baaritaano iyo dhagesiga gal dacwadeedka eedeysanayaasha oo muddo socday kadib ayay maxkamadda ku riday xukun isugu jira bixinta magta guddoomiyaha iyo xabsi ciidan.

Sidoo kale Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Ciise Dhega-juun ayaa bilawgii sanadkan lagu dilay inta u dhaxaysa isgoydada H/wadaag iyo wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya