Madaxweynaha Hirshabelle Guudlaawe Oo lagu wado in uu goor dhaw soo gaaro Muqdisho

May 22 2021

Waxaa Garoonka Muqdisho ku sugan Xildhibaano wasiiro iyo Madax ka socota Xafiiska Raisal wasaaraha Somaliya, waxaana lagu wadaa in goor dhaw halkaas uu soo gaaro Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Guudlaawe ayaa lagu wadaa in uu ka Qeyb galo Markii uu muqdisho soo gaaro Shirka u dhaxeeya Madaxda maamul Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray madaxweyneyaasha maamulada Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya