May 22 2021
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubaland arimo ku aadan habmaamuuska shirka.
Rooble ayaa labadaan maamul ka dalbaday in aysan saxaafada usoo bandhigin ciidanka la socda, sida horay caado u ahayd, waxa uuna ka balan qaaday in amaankooda uu sugayo inta ay joogaan Muqdisho.
Sida caadada ahaan jirtay maamulada jira gaar ahaan labadaasi maamul marka ay muqdisho imaanayaan waxay soo watan Boqolaal Ciidan oo aad u heysan, kuwaas oo marka ay ka soo dagayan Garoonka ay saxaafada sawiro iyo muuqaalo ka soo duubaan.
Wararka ayaa sheegaya in Rooble arintaan uu uga dan lahaa sidii uu u yarayn lahaa saamaynta iyo saxmada madaxda labadaasi maamul marka ay imaadaan Muqdisho oo aad looga dareemo Garoonka Muqdisho.
Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku dayaya in uu xakameeyo dhamaan waxyaabaha keeni kara in ay bixiyaan sawir colaad amaba shirka u ekeysiin kara mid aan waxba ka badalneen kuwii hore waxaana muuqata in uu ku guuleystay.
Office Nairobi Kenya
