Wasiirka Warfaafinta Dubbe oo ka tacsiyaeeyay geerida Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle

May 26 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeyaysay geeridii Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah oo ku geeriyooday magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeryooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Office Nairobi Kenya