Kooxda Villarrea oo Xalay ka qaaday Koobkii Europa League Manchester United

May 27 2021

Kooxda kubadda cagta Villarrea ayaa ku guuleysatay koobka labaad kooxaha Yurub ee Europa League, markii ay riigoorayaal ku garaacday Manchester United.

Ciyaarta kama dambeysta oo xalay ka dhacday dalka Poland ayaa ku dhamaatay 1-1 waqtiga caadiga ah iyo waqtiga dheeriga ah. Kooxda reer Spain ee Villarrea ayaa qaybtii hore ee ciyaarta la hormartay gool uu u dhaliyey Moreno.

Sidoo kale  waxaase barbarraysay United oo qaybtii dambe uu u dhaliyey Edinson Cavani.

Office Nairobi Kenya