Wasiiro ka tirsan K/galbeed oo booqday isbitaalk Baydhabo dhaawacyada Qaraxii shalay

May 29 2021

Wararka ka imaanaya saakay magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Xubno Wasiiro ah oo ay ka mid yihiin  Caafimaadka, Warfaafinta, Shaqada iyo Waxbarashada ay Booqdeen isbitaalka (Bay Regional Hospital) ee magaalada Baydhabo ay yaalaan dhaawacyadii shalay ee qaraxa ismiidaamninta ahaa oo Alshabaab ay sheegteen.

Wasiirada ayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa Alle u weydiiyey inuu siiyo caafimaad deg deg ah intii ku nafwaysayna inuu Illaahay naxariistiisa Janno siiyo, waxayna tilmaameen in Dowladdu ay xoogga saareyso daryeelka caafimaad ee dadkaas.

Sidoo kale  Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo laga doonayo in ay la soo wadaagan xogaha laamaha ammaanka si looga hortago wax kasta oo sababi kara amni darro.

Office Nairobi Kenya