Qaramada Midoobay oo sheegtay in carruur badan ay halis ugu jiraan macluul ka dhacda Somaliya

May 30 2021

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in haddii aan wax laga qaban ay carruur dhan 51,000 ay khatar ugu jiraan inay dhintaan.

Waxaa kale oo ay hay’addu sheegtay in qiyaastii 250,000 oo kale oo qaba macluul daran aysan helli doonin nafaqada ay u baahan yihiin.

UNOCHA ayaa intaas ku dartay in haddii aan la caawin ay carruurtaasi khatar ugu jiraan macluul aad u daran.

Office Naoirobi Kenya