Ra’iisul wasaaraha UK oo xaflad qarsoodi ah ku guursaday Gacalisadiisa

May 30 2021


Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sida la sheegay gacalisadiisa Carrie Symonds ku guursaday xaflad qarsoodi ah oo ka dhacday kaniisadda Westminster Cathedral.

Arooska oo shalay dhacay waxaa ka soo qeyb galay saaxiibbada lammaanaha iyo qoysaskooda, sida lagu daabacay dhowr wargeys.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Downing Street ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.

Wargeyska The Mail ayaa tebiyay in ilaa 30 qof lagu martiqaaday xafladda, waanatirada ugu baan ee loo oggol yahay inay xaflad ka qeyb galaan marka la raacayoshuruucda xayiraadaha Covid ee England.

Ms Symonds, oo 33 jir ah, ayaa markii ugu horreysay ee la sheegay inay xiriir leeyihiin Mr Johnson, oo 56 jir ah, waxay ahayd horraantii 2019.

Waxay labadooduba bishii Febraayo ee sanadkii hore shaaciyeen inay isku doonan yihiin isla markaana ay uur leedahay.

Wiilkooda Wilfred, ayaa dhashay bishii Abriil ee la soo dhaafay.

Office Nairobi Kenya