May 30 2021
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna haatan guddoomiyaha Golaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo xalay ka hadlay Xafladii Sagooyinta ee Musharixiinta ayaa ka hadlay xaalada dalka iyo doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka.
Sheekh Shariif ayaa ayaa soo dhoweyay heshiiska taariikhiga ah ee laga gaaray doorashooyinka Soomaaliyed ee 2021-ka, kadib wada-hadallo todobaad qaatay oo ka qabsoomay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga hortegay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya. Waxa uuna amaan kala dul dhacay Ciidamadii bad-baado qaran ee hor istaagay in dalka uu galo dagaal sokeeye farmaajana uu ku darsado 2 Sano.
Office Nairobi Kenya
