Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Safiirka Itoobiya kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulankaan ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda degaannada Hir-Shabeelle.

Safiirka Dowlada Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa balan qaaday in Maamulka Hir-Shabeelle ay kala Shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kula qaato Magaalada Muqdisho mas’uuliyiin kala duwan kadibna uu dib ugu laabto Magaalada Jowhar.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________