Kalluumeysatada muqdisho oo ka digay in xilligan lagu dabaasho Xeebta Liido Bada oo kacsan

June 5 2021

Iskaashatada kalluumaysiga ee Dan Kulmis ee magaalada Muqdisho ayaa ka digtay in waqtigan la joogo ay dhalinyaro badan halis naftooda ku galiyaan xeebaha magaalada

 Tiro dhalinyara ah ayaa maalmihii la soo dhaafay maydkooda laga helay badda, arrintaas oo ay iskaashatadu u aanaynayso badda oo kacsan iyadoo xitaa aanay galin baxmaaxiinta.

Dhanka kale waxaa la la’yahay doonyo kalluumaysi iyo dadkii saarnaaba, arrintaas oo walaac ku keentay iskaashatada. Haddaba Xaaji Kamaal Maki Aweys, waa guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatada Dan Kulmis ee Muqdisho,ayaa saxafada sidaas u sheegay.

Office Nairobi Kenya