Laftagareen Muqdisho kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

June 12 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Xubnahaan uu la kulmay Madaxweynaha K/galbeed  uu horkacaayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan. Waxaana ka mid ah sidoo kale Midowga afrika iyo Midowga Yurub

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Deegaanada Koofur Galbeed.

Office Nairobi Kenya