Xuub caaro oo aad u weyn, kuna teedsan geedo kala duwan, ayaa sameysmay dahaar weyn

June 16 2021

Xuub caaro oo aad u weyn, kuna teedsan geedo kala duwan, ayaa sameysmay dahaar weyn, oo ay dadku aad ula yaabeen.

Dadka deegaanka magaalada Victoria ee gobolka Gippsland ee dalka Australia, ayaa sheegay in dahaarkan ay arkeen maalmo un kadib, taasoo uu da’ay roob ma hiigaana.

Waxaa jirta goob ay masaafadeedu gaareyso hal km oo ay xuubka caar caarada wada dahaartey.

Khuburada ayaa sheegay in xuubkan caar caaradu abuuristeedu ay tahay xeelad ay sameeyaan caar caaradu, marka ay noloshoodda u baqaan.

Dr Ken Walker, oo ah khabiir ku takhasusay cayayaanka, in muda ahna baaritaan ku hayey, ayaa sheegay in daaharkan uu ku abuurmey xargaha ay ku tureen malaayiin caar caaro agagaarka geedaha.

Office Nairobi Kenya