booliska Kenya oo sheegaya in ay ku raadjoogaan xubno ka tirsan Al-shabaab

Jimco: June 25 2021

Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegaya in ay ku raadjoogaan xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo weeraro ku geystay gobolka Waqooyi bari dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa laga soo xigtay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu qabtay qeybo ka mid ah Magaalada Lumu ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale Sarkaal u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamada badan ay dowladda Kenya ay geysay gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, si looga hortago weerarada Al-shabaab ay ka fuliyaan dalkaasi.

Office Nairobi Kenya