Dadka qaba xanuunka HIV/AIDS-ka Soomaaliya oo bulshada kala kulma faquuq

Isniin: June 28 2021

Dadka qaba xanuunka HIV/AIDS-ka Soomaaliya ayaa bulshada kala kulma faquuq xooggan sida lagu sheegay daraasad dhawaan lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Cilmi-baaristan ayaa sidoo kale lagu qeyxay in bukaannada xanuunka qaba aysan awoodin inay is-muujiyaan cabsi ku aaddan takoor inay kala kulmaan bulshada, taasina ay suuragal ka dhigi karto in ogaal la’aan xanuunka uu ku baaho.

Sidoo kale Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu shaaciyay inay muhiim tahay in bulshada la wacyigeliyo, si dadka xanuunka qaba aan looga saarin bulshada.

Office Nairobi Kenya