Maayarka Hargaysa Cabdulkariim Mooge oo sheegay in la furayo Wadooyinka xiran

Isniin: july 5, 2021

Duqa magaalada Hargeysa, Cabdulkariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in waddooyinka xiran ee magaalada, in sidii loo furi lahaa ay kawada tashanayaan mas’uuliyiinta degmooyinka magaaladani.

Duqa magaalada ayaa ka codsadey shacabka iney u fududeeyaan hawl wadeenada, sida ciidanka dab damiska marka uu dab kaco, sidii ay u damin lahaayeen.

Sidoo kale Ciidanka dab damiska, ayaa marar badan ka cawdey shacabka oo aan u dhaga nuglaan marka ay qeylada dhiilada dhawaq dheer ku gaarsiiyaan.

Magaalooyinka waa weyn ee Soomaalida, ayey caqabad weyn ka heysataa badbaadinta dad iyo hantida marka uu kaco dab, maadaama waddooyinku yihiin kuwo yaryar oo ciriiri ah, halka mararka qaarkoodna ay dhacdo in dhabadiiba gabi ahaan la xirto.

Office Nairobi Kenya