Axad: July: 11, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho ka dib safar qaatay afar cisho oo uu ku soo maray magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.
Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gundhiggiisu ahaa gogol xaadhka iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka. Isaga oo intii uu goobaha joogayna kulammo la yeeshay madaxda dhaqanka, ururrada bulshada iyo waxgaradka deegannadaas.
Gobolka Gedo, ayaa ka mid ahaa goobihii aadka loogu muransanaa caqabaddana ku ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho, iyada oo ay isku maandhaafsanaayeen dawladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Office Nairobi Kenya
