Gargaarki bani’​aadanimo ugu horreeyey oo gaaray magaalada Maqale

Isniin: july 12, 2021

Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay gargaarki bani aadaminimo ee ugu horreeyey oo dhulka la mariyey inuu magaalada Maqale gaaray.

WFP waxay sheegtay iyada oo ka duuleyso fasaxa ay dowladda Itoobiya ka heshay ee ah in gargaar bani aadanimo deegaankaasi la gaarsiiyo 40-kii gaari ee ugu horreeyey oo raashiin gargaar ah sida deegaankaasi inay maanta gaareen.

Waxay ihay’addu intaa ku dartay iney sii xoojineyso dadaallada ay dadka deegaanka Tigraay ku nool ee gargaarka u baahan ay ku gaarsiineyso raashiin gaaraya kun metric ton.

Office Nairobi Kenya