Jubbaland oo soo saartay digniin la xiriirta la macaamilka Al-Shabaab

Shir ay isugu yimaadeen Golaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka.

Shirka amniga Jubbaland ayaa waxaa laga soo saaray digniin adag oo la xiriirta la Macaamilka Al Shabaab, Digniinta ayaa sigaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wadashaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaargaroobayo Doorashooyinka Dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu go’aamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hay’addaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________