Puntland oo sheegay in howlgal gaar ah ay ka fuliyeen gobolka bari ay ku dileen daacish

Sabti: July 17,  2021

Ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gobolka bari ay ku dileen xubno katirsan daacish una qaabilsanaa miinooyinka iyo caamirooyinka muuqalada lagu duubo.

Howgalkan ayaa si gaara uga dhacay deegaanka balidhihin ee  gobolkas maalmhii danbena ay ka socdeen howlgalo buuraha deeganakas looga saarayo dagaalamayaasha daacish iyo al-shabaab oo halkaas ku xoggan.

Puntland ayaa sheegay in labadan daagalame ee ay dileen mid kamid ah uu ka soo  jeedo dalka itoobiya si gaara qoomiyada oramada  magaciisana lagu sheegay  Maxamed  Siraaj Salmaan   halka kan kale uu yahay Luqmaan Maxamed Xaaji, waxaana ay sheegtay xiliiga la dilayey ay miino ku aasayeen meel wado ah oo ay ciidamada adeegsadaan mid ka kaalna uu duubayey muuqaalo sida qaraxa loo aasaayo.

Office Nairobi Kenya