Diyaarad ka duushay Nairobi oo shil ku gashay garoon diyaaradaha degmada Ceelwaaq

Arbaco: July 21  2021


Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Gedo gaar ahaan garoonka  degmada Ceelwaaq

Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa la sheegay inay ku sii jeeday dhanka degmada Elwak ee is-maamulka Mandera, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah. Waxayna ka Kacday Garoonka magaalada Nairobi ee Joma Kenyata.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay sidday illaa 45 qof oo ay kasoo qaaday magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, waxaana jira khasaare soo gaaray.

Sidoo kale Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhaawacmay illaa 7 qof, halka ay waxyeelo soo gaartay diyaaradda, kadib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Office Nairobi Kenya