Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminaayo dib ugu laabtay Garoowe.

khamiis: July 22 2021

Wararka ka imaanaya Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu  dib ugu soo laabtay Puntland.

Wafuuda Madaxweyne Deni waxaa garoonka Garoowe ku soodhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ugu horeeyaan, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo kuwa kale.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa mudda bil ku dhowaad ah safar la xiriira ololaha doorashada Soomaaliya ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, waxa la filaya in ay ka wada-hadlaan soo saarista liiska xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya