Sabti: July 24 2021
Ardaydii ugu badnayd abid oo ka qalin jabisay Jaamacadda Jigjiga
Ku dhowaad arday gaaraysa 2,692 ayaa maanta ka qalin-jabisay Jaamacadda Jigjiga kuwaasi oo madasha Suldaan Odawaa Liibaan loogu qabtay munaasibadda qalin-jabinta ardaydan.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya, Mustafe Muxummed Cumar ayaa ka soo qeyb-galay xafladda qalin-jabinta ardaydan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhib-u-dhaca ugu weyn ee haystay dadka Deegaanka uu ahaa dhanka waxbarashada, balse hadda ay jiraan ifo-faallooyin taasi lagu wiiqayo, lagulana dagaallamayo jahliga.
“In wax laga baddelo dhaqanka aqoonyahanka Deegaanka ayaa loo bahan yahay, islamarkaasina ay ku fikiraan sidii ay dadkooda iyo deegaankooda wax ugu qaban lahaayeen.” Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.
Office Bairobi Kenya
